Maamulka degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa ka dalbaday taliska ciidanka xoogga dalka iney adkeeyaan amniga guud ee degmadaasi.
C/laahi Shafaawe oo ah guddoomiye ku xigeenka dhanka maaliyadda ee maamulka Mahadaay ayaa sheegay in ciidamada laga doonayo iney si wanaagsan ula shaqeeyaan maamulka cusub ee degmadaasi loo magacaabay.
Dhanka kale, guddoomiye ku xigeenka ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan degmada Mahadaay ee Shabellaha Dhexe iney la shaqeeyaan ciidamada ammaanka, si loo helo amni iyo horumar.
Al-shabaab ayaa maalmihii dambe waxay weeraro kusoo qaadayeen degmada Mahadaay, hase ahaatee DFS ayaa degmadaasi waxay geysay ciidamo xooggan oo ka tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.