DEGDEG:Toogasho ka dhacday Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka ayaa Isgoyska Ex-koontarool Afgooye ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Nin la sheegay inuu ahaa Darawal.

Dad ku sugan goobta uu falka ka dhacay ayaa waxaa ay soo shegayaan in Askari ka tirsan ciidanka dowladda uu toogtay mid kamid ah Darawalada gaadiidka dadweynaha ee BL-ka xili uu ku sugnaa halkaas.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dilkan Darawalka uu yimid, kadib markii Marxuumka iyo Askariga falka u geystay uu soo kala dhexgalay muran la xiriira dhanka Canshuuraha laga qaad gaadiidka noocyadiisa kala duwan.

Qaar kamid ah dadkii ku sugnaa Isgoyska Ex-Koontarool ayaa Meydka Marxuumka kasoo qaaday halkaas, waxaana goobta ka baxsaday Askarigii ka dambeeyay Dilkaas.

Ciidanka dowladda Federaalk ayaa dhowr jeer gudaha Magaalada Muqdisho ku dilay dad shacab ahaa iyo dhalinyaro badan oo ku shaqeysan jirtay gaadiidka noocyadiisa kala duwan.