Waraka Muqdisho Online ka heleyso hay’adaha garsoorka ayaa sheegaya in Cabdiraxman Cabdishakuur la geeyey Maxamad hadda oo la rabo ina la xukumo isla maanta . Ujeedada ayaa ah in lagu rido xukun degdeg ah kadibna uu madaxweynaha, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed ‘Farmaajo” uu cafis naxariiseed u fidiyo maxabuska iyadoo shuruud looga dhigayo inuu siyaasadda ka haro ama usan qaban karin Xafiiska dawladeed mudada ay dawladdaan Farmaajo jira amba waligeed.
Lama oga in Cabdiraxman yeeli doono arrinkaas maadaama aysan jirin wax dambi ah ee uu galay. Eedaha la rabo in la cuskato ee ay MO maqleysaa waa inuu dalal shisheeye lacago ka so qaatay si dawladda Farmajo loogu rido, hasa teehee qaraabka farmajo iyo kooxdiisa waa bannaan yahay kan kalana waa xaaraan miyaa ayey dadku isla dhexmarayaan.