Xasan Kheyre oo bilaabay qorshe lagu fashilinayo gudiga cusub ee Doorashada Galmudug

Reading Time: < 1 minute

Xili daqiiqado kahor warqad kasoo baxday Xafiiska Madaxa Xukuumada Galmud lagu magacaabay Gudiga Doorashooyinka iyo Xalinta Khilaafaadka Galmudug ayaa waxa jira xubno kamid ah gudiga uu magacaabay Sheekh  Shaakir oo is casilay.

Sida ay sheegayaan warar hoose oo ay heshay Warbaahinta Muqdisho Online CabdiShakuur Ciise Xaashi oo ka Mid ahaa Xubnaha Gudiga Doorasho ee Sh shaakir uu ku Dhawaaqey ayaa iska Casiley Xilka Xubinnimo isagoo Cadeeyey in aan La Ogeysiin, Raalina uusan ka aheyn ka Mid Noqoshada Gudigaasi

Abdishakuur ayaa ah Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Galmudug waxa uuna Ka Mid ahaa Tiro Wasiiro ah oo Dhanka Ahlusunna ka Soo Galey waqtigii Heshiiskii Xaaf iyo Ahlusunna.

Sida loo xaqiijiyay MOL, qaar ka mida xildhibaanada la safan Xasan Kheyre ayaa ku qasbay in Cabdishakuur uu iscaliso si lo fashiliyo qorashada Ururka Al Sunna.