Kusimaha agaasimah NISA Fahad Yasin ayaa amar ku bixiyay isagoo qorsheynaya in uu weerar ku qaado dhismaha guriga Mukhtar Roobow inta u dhaxaysa 12-13 bishan desember 2018.
Weerarka ayaa waxaa fulin doona ciidamo loo diray Baydhabo maalmo ka hor. Waxana lagu amray labo mid in ay fuliyaan:
1. Inay qaadaan weerar toos ah guriga uu degan yahay Mukhtar Roobow ama
2. In ay fuliyaan dilal qorsheysan kuwaasoo masuuliyadda dusha laga saari doono Mukhtar Robow si loo weeraro gurigiisa, ciidanka ayaa amar ku qaba in ay nolosha ku soo tabtaan Mukhtar Robow ama ay dilaan sida MOL ay u xaqiijisay ilo wareedyo.
Waxaa muhiim ah in la ogaado in weerarka la qorsheeyay uu fududeynayo laba qof, Wasiirka Amniga gudaha ee Koofurta Soomaaliya Xasan Cismaan Maxamed Aka Elay iyo Mahad oo ah madaxa bilayska gobolka, labadoodaba waxaa loo yeeray Muqdisho si ay u helaan warbixintii ugu dambaysay.
Tani waxay imaanaysaa maalin kadib markii xildhibaanada ka socda Koofur Galbeed iyo afhayeenka Baarlabaanka federaalka Soomaaliya ay ka hor yimaadeen faragelinta qaawan ee ay dowladda federaalka ah ku hayso doorasha KG.
Waxaa MOL loo xaqiijiyay in doorashada markale dib loo dhigi doono iyadoo la qorsheynayo in doorashada ay dhacdo horraanta sanadka foodda nagu soo hayo ee 2019.