Ra’iisal Wasaare Kheyre ayaa waxa uu caawa lacag u qaybinayaa xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya si u ansixiyaan isbadalka lagu sameeynayo xeerka maamulka Bangiga Dhexe. Mid ka mid xildhibaanada lacagta loogu keenay gurigiisa kana gaabsaday in magaciisa la sheego ayaa u shaggy MOL in caawa lacag loogu keenay gurigiisa xili danbe.
Mas’uuliyiinta ka socotay xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa caawa lacag kala qiimo duwan u qaybiyay xildhibaanada lagu tuhmayo in ay ka soo horjeesan doonaan isbadalka lagu sameeyo xeerka maamulka Bangiga Dhexe iyada oo ujeedadu tahay in Gudoomiyaha Bangiga Dhexe loo magacaabo nin ajnabi ah oo lagu magacaabo Nigel Roberts.
Warar ay heshay MOL ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo saxiixay dikereetadii lagu magacabaayay Nigel Roberts. Ra’iisal Wasaare oo ah shaqsiga uu ganacsiga iyo dano gaarka kala dhaxeeyo Nigel Roberts ayaa caawa u sheegay saaxiibadiisa in ayan jirin cid is hortaagi karto magacaabista Nigel Roberts. Waxa uu yiri “go’aanada dowlada waa kama danbeeys mana joojin doonto hirgalinta go’aanka”.
Mar hadii la ansaxiyo hindisaha Bangiga Dhexe, MW Farmaajo ayaa xur u noqonayo in uu magacaabo Nigel Roberts.