Degaanka Garasbaaley oo hooyo iyo caruurteedii uu darbi ku soo dumay

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya deegaanka Garasbaaleey waxa darbi weyn ku soo dumay qoys barakacyaal ah oo ku noolaa degaanka Garasbaaley ee koonfurta magaalada Muqdisho, waxaana shilkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Waxaa ka sheegayaa in Qoyska dhbka kasoo gaaray uu ka koobnaa hooyo, shan caruur ah oo ay dhashay iyo will yar oo kale oo la joogay ay ku geeriyoodeen halkaas, kadib markii uu ku soo dumay derbi weyn oo ay kahoo dhisteen guri cooshado ka sameysnaa. Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in Hooyadaas, caruurteedii iyo cunugii kale ee la joogay uu Derbigu ku fariistay oo halkaas ay ku geeriyoodeen, iyadoo gurmadkii loo fidiyey aan lagu guuleysan in la badbaadiyo.

Waxaa side kala la sheegaya in ugu yaraan afar qof oo kale oo deris la ahaa reerkan ay dhaawacyo ka soo gaareen derbiga soo dumay.