Shil Khasaare geystay ayaa goor dhow ka dhacay degmada Waabari ee gobolka Banaadir sidda ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.
Shilka ayaa ka dhacay wadada 21-October ee Degmada Waaberi, gaar ahaan meesha u dhaw wadada jaayga ee Airoprt looga leexdo, waxaana la sheegay Nin dhalinyaro ah oo kaxeynaayay Mootada nooca loo yaqaan Fekon in ay gadoontay kadib uu halkaasi ku geeriyooday.
Sidda ka muuqatay Sawirro lagu faafiyay Baraha bulshadda wiilka ayaa dhulka ku dhacay, waxaana la sheegay in maskaxdu qaraxday, sidaasina ayuu ku geeriyooday.
Mootada ayaa ku socotay xowli, waxaana la sheegay in ay horay u dhacday oo Shamiitada laamiga uu Maskaxda ku dhufsaday.
Hay’adda Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa soo gaaray goobta, waxaana ay halkaasi ka qaadeen Meydadka ruuxa dhalinyaradda ah ee ku dhintay Shilka Mootada.