Reading Time: < 1 minute

Goor dhaw ayaa qaraxyo is xigxigay oo xoog leh laga maqlay meel u dhaw xerada saraakiisha, degmada Deyniile ee gobolka Banaadir.

Illaa laba qarax oo iska daba dhaw ayaa ka dhacay banaanka xerada sida ay noo sheegeen dadka deegaanka, waxaana qaraxyada kadib bilaawday rasaas, taas oo ilaa hadda ka dhaceysa nawaaxiga xerada Saraakiisha ee degmada Deyniile.

Goobjooge ka ag dhaw xeradaas oo ku taalla degmada Deyniile ayaa sheegay in qaraxyadu ay ka dheceen banaanka hore ee xerada, intaas kadibna ay rasaas ka bilaabatay gudaha iyo daafaha xerada.

Xaaladda ayaa aad u kacsan welina lama ogaa karo khasaaraha ka dhashay qaraxyadaas iyo rasaasta ka dambeysa, sidoo kale waxaa laga cabsi qabaa in dagaalyahano hubeysan ay xerada gudaha u galeen, in kastoo aan si rasmi ah loo ogaa karin sida ay wax u jiraan.

Wixii soo kordho iyo qasaaraha ka dhashay qaraxyadaas naga filo goor dhow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here