DEG DEG:Qarax Gaari oo Ka dhacay meel aan ka fogeyn Koontarool laga galo Madaxtooyada Soomaaliya

Reading Time: < 1 minute

War Goordhow soo gaaray ayaa waxa uu sheegayaa in qarax gaari uu ka dhacay meel aan ka fogeyn Isgoyska siinaay ee degmada Warta-Nabada ee Gobolkan Banaadir.

Qaraxaan ayaa dad goobjoogayaal ah waxa ay  sheegeen in uu ahaa mid Gaari nooca raaxada ah loogu xiray qof watay,isla markaana xilli uu marayay agagaarka Xarunta Dahabshiil uu qarxay.

Darawalkii gaariga ayaa la sheegay in uu dhaawac soo agaray kaas oo mid ka mid ah Isbitaalada Muqdisho loola cararay.

Khasaaro ayaa la sheegayaa in uu jiro,waxana Goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo hakiyey isku-socodka dadka iyo gaadiidka.

Wixii ku soo kordha kala socda halkan