DEG DEG:Masuul Ka Tirsana Shaqaallaha Shirkadda SOMTEL Oo Lagu Dilay Magalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay in Sarkaal ka tirsanaa Shirkada Isgaarsiinta SOMTEL ay Maanta ku dileen Gudaha Magalada Muqdisho.

Dilka ayaa waxa uu ka dhacay agagaarka Guriga Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cabdu Qaasim Salaad Xasan oo ku yaalla KM4,waxana mas’uulka ka tirsanaa Shirka SOMTEL Magaciisa lagu sheegay Maxamuud Cabdi Maadhiin.

Dadkii ka dambeeyey dilka Masuulkaas ayaa durba Goobta ka baxsaday,waana gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya kuwaas oo howlgallo baaritaano ah ka sameeyey,walow aysan jirin cid ilaa iyo hadda loo qabtay.

Dhawaan ayay aheyd markii suuqa Bakaaraha ee degmada Howlwadaag lagu dhaawacay Masuul ka tirsan Shirkadda Xawaalada Amal,iyada oo falkaas aysan jirin cid sheegatay.