(Deg Deg)Madaafiica lagu garaacay garoonka Adan Cadde & xerada Xalane

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ilaa 5 hoobiye lagu garaacay garoonka Diyaaradaha ee Adan Cadde ee magaalada Muqdisho iyo xerada Xalane daqiiqado ka hor.

Laba ka mid ah hoobiyaasha aya ku dhacay halka ay ka soo caga dhigtaan ama ka duulaan diyaaradaha ee loo yaqaan RUN WAYga halka laba kalane ay ku dhaceen gudaha halka ay deggen yihiin diblomaasiyiinta beesha caalamka iyo AMISOM.

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay hoobiyaasha lagu tuuray Xalane, balse goob joogayaal kusugan garoonka ayaa MOL u sheegay in ilaa hadda aan la sheegin wax khasaara ah.

Wixii kusoo kordha ee faahfaahin ah dib ayaan idinkala soo socodsiin doonaa, iyadoo wariyaasha MOL ee Muqdisho ay hadda ku sii jeedaan agagaarka Xalane.