DEG DEG:Kulankii Golaha Shacabka oo baqday

Reading Time: < 1 minute

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo maanta lagu waday in ay kulan ku yeeshaan  magaalada Muqdisho,Waxaa baaqday kulankaasi  Sababo la xariira Kooram La’aan.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inuu jiro kulanka baarlamaanka maanta oo Arbaco ah, islamarkaana ajandaha kulanka uu yahay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka ayaa lagu waday in uu shir guddoomiyo gudoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa waxa ay sheegeen in ay nasiib daro tahay in maanta uu baaqdo kulanka Golaha Shacabka Sababo la xariiira Kooram La’aan.