DEG DEG:Hoobiyayaal ku soo dhacay Qeybo kamid ah Magaalada Muqdisho oo ay ka socoto dabaaldaga 1-da Luulyo

Reading Time: < 1 minute

Waxaa Degmada Wadajir oo ka tirsan Gobolka Banaadir ku soo dhacay tiro Hoobiyeyaal ah, sida ay

sheegeen Dadka Degaanka.

Sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka Hoobiyeaasha ayaa kusoo dhacay Xaafadaha ka agdhow Xerradda Ciidamada AMISOM ee Xalane.

Madaafiicdan ayaa laga maqlay guud ahaan Degmooyinka Gobolka Banaadir, waxaana jirta cabsi soo wajahday dadka qaar.

Ilaa iyo Saddex Hoobiye ayaa la xaqiijiyay in ay kusoo dhaceen qeybo ka mid ah Xaafadda Xalane ee degmada Wadajir.

Inta la xaqiijiyay 5 ruux ayaa ku dhaawacantay Hoobiyeyaasha sidda ay  xaqiijiyeen dadka degaanka.

Warkaan waxii ku soo kordho kala soco halkan