DEG DEG:Dilal qorsheesan oo gordhow ka dhacay Muqdisho+Cabsi soo wajahday dadka shacabka..

Reading Time: < 1 minute

Saacadahi ugu danbeyay waxa magaalada muqdisho ka dhacay dilal qorsheysan,waxaana sii kordhaya xiisada xoogan ay ka jirto magaalada Muqdisho Waxaana lagu dilay Labo Nin oo la sheegay inay kasoo jeedaan Beesha Murusade.

Dilkan Aya Ka Dhacay Xaafada Towfiiq ee degmada Yaaqshiid Waxanan la ogeyn cida dilka geysatay.Waxana la shegaya in Kooxo Bistoolado wata ay dilka geysteen wayna ka carareen goobta,

Dadka qaar aya shegaya in dilkan lo geystay sababo la xiriira aargosi qabiil. Dilkan ayaa kuso aadaya xilli shacabka ay ka cabsnayan in dagaalo qabiil ay ka dhacan Magaalada muqdisho, ka dib xarigii siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi.

Si kastaba ha ahaatee dowlada Soomaaliya ayaa ciidamo aad u badan soo dhigtay wadooyinka halbowlaha u ah Muqdisho, iyadoo baaritaano xoogan la wado.