DEG DEG:Dil goordhow ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

War haatan inaga soo gaaray xaafada Baar-ubax ee degmada Hawlwadaag ayaa sheegaya in Gordhow lagu dilay agagarka Maasaajidka Xareed Wiil dhalinyaro ah oo halkaasi marayay.

Goobjogayaal ku sugan Isgooska Baar-ubax ayaa inoo sheegay in Koox Burcad ah ay dil ugeesteen Wiil ka mid ahaa dadkii marayay wadada ka baxda Isgooxka Baar-ubax  taasi oo gasha  Suuqa Bakaraha ee Magaalada Muqdisho.

Sidookale goobjoogaha ayaa xusay in Kooxda Burcadka ah ay doonayeen inay Wiilkan ka dhacaan Mobelka gacanta ee uu watay kadibna  xabad ku rideen haleeshay sidaasina ugeeriyooday.

Maalmihii aynu ka soo gudubnay degmooyinka Hodan, Hawlwadaag, Warta Nabada, Yaaqshiid iyo  Hilwaa waxaa ku soo badanayay Kooxo Burcad ah oo dadka ku dhaqan degmooyinkaasi dhac ugeesanayo.