labadii sacadood ee ugu danbeeysay waxa dhowr mar qadka teleefanka kuwada hadlay Safiirka Dowlada Maraykanka u fadhiya Soomaaliya mudane Donald Yamamoto iyo saraakiil ka tirsan Midwoga Yurub iyo Madaxweyne Farmaajo oo ku sugnaa magaalaada Muqadishu
Wacitaanka Yamamoto ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne Farmaajo uu maanta duhuridii u sheegay MW Deni in ka baaaqday shirka Garowe isla markaana uu wakiil ka yahay Xassan Cali Kheyre. Madaxweyne Deni ayaa la xiriiray beesha caalamka una sheegay in maqnaanshaha Farmaajo ay keeni doonto fashil ku yimaado shirka.
Laba sacadood ka hor ayaa Farmaajo waxa isaga oo xanaaqsan soo wacay Safiir Yamamoto oo u sheegay in fashilka ka yimaada shirka Garowe isaga dusha laga saari doono. Yamamoto ayaa sidoo kale u sheegay Farmaajo in uu aad uga xun yahay balan la’aantisa iyada oo asbuuc ka hor uu balan qaaday in uu ka qayb gali doono shrikaas. Yamamoto ayaa ku wargaliyay Farmaajo in uu dalka isaga madaxweyne ka yahay mas’uuliyadiisa uu ka dhuuman karin.
Wararka ay MOL ka heshay Garowe iyo madaxtooyada Soomaliya ayaa sheegaya in Ra’iisal Wasaare Xassan Kheyre ku qanciyay MW Farmaajo in uusan tagin kulanka ka Garowe isaga oo sheegay in shirka Garowe lagu bahdilayo isaga iyo dowlada. Waxa uu yiri “Mudane Madaxweyne waxa aan halkaan ku hartay shalay iyo maanta oo aan joogay wax dan u ah dowlada Soomaaliya ma aha, waxaana la doonaayaa in dowladeena la inqilaabo, anigu marnaba kuma talinaayo in aad timaado halkaan”.
Xassan Kheyre ayaa ujeedadiisu ahayd in uu iska horkeeno madaxda dowlad goboleedyada iyo Farmaajo si uu isagu u noqda in midka lala shiro. Laakiin Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa dhankooda sheegay in hadii uusan Farmaajo imaanin uu shirku isku badali doono mid u gaar ah Dowlad Goboleedyadda.