[DEG DEG] Xoghayihii golaha shacabka oo is-casilay.

Reading Time: < 1 minute

Xoghayihii baarlamaanka federaalka ee Soomaaliya Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa iska casilay xilkii uu baarlamaanka Soomaaliya u hayey sanado badan.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoonaan karo u xaqiijiyeen MOL, xoghaye Cabdikarim Xaaji Cabdi Buux ayaa is-casilaadiisa u gudbiyey Guddiga Joogta ee Golaha Shacabka.

Sababta uu isku casilay Xoghaye Cabdikarim ayaa lagu sheegay inay tahay cadaadis xoog leh oo uga yimid guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe.

Buux oo ah qofka ugu sarreeya shaqaalaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka horyimid qorsho uu guddoomiye Aadan Madoobe ku doonayey inuu shaqaale cusub kusoo daro shaqaalaha baarlamanka Soomaaliya.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo labadiisa ku-xigeen ayaa tan iyo intii loo doortay guddoonka Baarlamaanka 11-aad waxay wadeen qorshe ay shaqaale cusub ku qaadanayaan, meeshana uga saarayaan shaqaalihii hore, taasi oo xadgudub ku ah nidaamka shaqaalaha rayidka

Buux ayaa ahaa xoghayaha baaralmaankii hore, wuxuuna kamid ahaa xubnihii sida weyn uga shaqeeyey inuu kursigiisa waayo Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, maadaama uu gacanta ku hayey bixinta kaararka aqoonsiga xildhibaanada, islamarkaana diiday inuu u hoggaansamo cadaadiskii Villa Somalia.

Aadan Madoobe ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu xilka uu baneeyey Buux ugu magacaabay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle