(Deg Deg) Xilliga doorashada Madaxweynaha Jubbalanda oo la shaaciyay (Aqriso)

Xildhibaanadda cusub ee baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa maalintii Talaadada ahayd lagu dhaariyey Kismaayo, caasimadda ku meel gaarka ah ee maamulkaasi.

Munaasabadda dhaarinta ayaa waxaa ka qeybgalay xubnaha Guddiga Doorashadda, Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka federaalka, Odayaasha Dhaqanka iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Dhaarinta kadib, sharcidejiyeyaasha oo ka kooban 73, ayaa waxay doorteen gudoomiye ku meel gaar ah, kaasi oo loo xushay Sheekh Cabd Yuusuf Cali.

Cabdi, oo mudaneyaasha cusub kamid ah, ayaa waxaa la sheegay in uu yahay Xildhibaanka ugu da’da wayn Golaha Wakiiladda dowlad goboleedkaasi.

Gudoomiyaha cusub ee ku meel gaarka ah ayaa ayaa maanta ku dhawaaqay in doorashada Madaxweynaha Jubbaland ay dhici doonto Maalinta Isniinta ah bisha Ogoosto ay tahay 19, 2019 waxayna doorashada bilaabaneysa 10 Subaxnimo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here