[Deg Deg] Xildhibaanadii Ceel Waaq oo loo aqoonsaday in ay yihiin kuwa sharciga ah

Reading Time: < 1 minute

Warmurtiyeed ka soo baxay Guddoonka Golaha Shacabka aya lagu sheegay in xildhibaanada lagu soo doortay Magaalada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ay yihiin xildhibaanada saxda ah ee haysta shahaadada iyo aqoonsiga Guddiga Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT.

Guddoonka aya laalay Xildhibaanada 16 ka ah ee sida sharci darrada ah loogu soo doortay magaalada Garbahaaray ee Gobolka Gedo, kuwaasoo Villa Somalia ay si xoog ku soo fariisisay laba kalfadhi oo ka dhacay xarunta Villa Hargeysa taasoo dhalisay buuq iyo isqabqabsi.

Guddoonka aya sheegay in wixii maanta ka danbeeya ay xildhibaanada Ceel Waaq noqonayaan kuwa matalaya Gobolka Gedo.