(DEG-DEG) Xildhibaanada BJFS oo war adag ka soo saaray gabood falka ciidamada ITOOBIYA taliska AMISOM. (Akhriso)

Reading Time: 2 minutes

Xildhibaanada BJFS ayaa soo saaray warsaxaafadeed ku aadan xaaladda cakiran ee ka jirta magaalada Baydhabo, waxayna xildhibaanada si adag uga hadlaan doorka ay AMISOM ka qaadatay falkii lagu soo afduubay Mukhtar Robow maalintii shalay oo ay taariikhda aheyd 13 Desember 2018, waxayna ku tilmaaman wax anan loo dulqaadan karin dilkii soddan (30) oo shacab ay u geysteen ciidamada Itoobiya.

Waxaa sidoo kale ay cambaareeyeen safiirka Midowga Afrika & madaxa howlgallada AMISOM Franseco Madeira oo aha shaqsigii bixiyay amarka in la xasuuqo Shacabka lana soo afduubo Mukhtar Robow.

Xildhibaanada aya si weyn u cambaareeyay Taliska AMISOM waxayna sheegeen in ay ka baxeen dhexdhexaadnimadooda si ula kac ahna u jabisay heshiiskii ay wada saxiixdeen
Dawladda Soomaaliya, Heshiiska Howlgalka Hawlgalka (SOMA). Qodobka 8aad ee heshiiskaan wuxuu si cad u qeexayaa; “AMISOM iyo xubnihiisu waa inay ka fogaadaan ficil kasta ama waxqabad kasta oo aan u dhigmin mid dhexdhexaad ah. AMISOM iyo wadamada
xubnuhu ka ciidanka nabad ilaalinta waa inay ixtiraamaan sharciyada iyo xeerarka dowladda iyo dalka Soomaaliya. Sidaa darteed AMISOM ayaa masuul ka ah musiibada ka jirta magaalada Baydhabo.

Waxaa suurto gal ah in rabshadaha Baydhabo ay ku baahaan magaalooyinka kale ee dalka sida Magaalada Muqdisho, Kismaayo, Garoowe, Gaalkacyo iyo Beledweyne. Maadaama ay shacabka si wadajir uga horyimaadeen falalka guracan ee ay ciidanka Itoobiya ku laayeen dad shacab ah magaalada Baydhabo