DEG DEG: Xildhibaan Aamina oo ku dhimatay Qarax ka dhacay Beledweyne

Reading Time: < 1 minute

Qarax xoog leh ayaa goordhaw ka dhacay Magaalada Baladweyne xarunta gobolka Hiiraan sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulka Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa ka dhacay  Afaafka hore ee Xerada lama galaay oo ay degan yihiin Madaxda maamulka Hirshabeelle.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa.

Waxaa jira warar sheegaya in Qaraxa ay ku dhimatay Xildhibaan Aamina oo ahayd xildhibaanadii u doodeysay Ikraan Tahliil