Kooxo hubeysan ayaa gudaha degmada dayniile ee Magaalada Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Rabiile Siyaad Guure.
Warar kala duwan ayaa laga helayaa wiilkaasi dhalinyarada ahaa ee lagu dilay degmada Dayniile, iyo sababa ka dambeeyay ee loo toogtay.
Ehelada marxuumka ayaa Warbaahinta u sheegay wiilkooda ay dileen ciidamo katirsan kuwa Nabad Sugida Soomaaliya gaar ahaan kuwa dhar cada ah ee ka howlgala Magaalada Muqdisho.
Wararka qaar ayaa sheegaya in wiilkaasi loo dilay qaab shirqool ahaan, balse lama hayo faah faahin intaasi ka baxsan oo qeexeysa sababa iyo qaabka ka dambeeya dilka wiilkaasi dhalinyarada ahaa.