(DEG DEG) Weerar ku billowday Qaraxyo oo lagu qaaday guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis

Reading Time: < 1 minute

Weerar ku billowday Qaraxyo oo lagu qaaday guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis

Weerarkan oo ku billowday Qaraxyo ayaa Kooxo hubeysan waxay ku qaadeen guri ku yaalla Degmada Cabdicasiis ee Magaalada Muqdisho.

Guriga la weeraray ayaa sida la sheegay waxaa ku sugan in ka badan 10 ka mid ah dadka degaanka ee loo yaqaan Macawisley kuwaasi oo ku soo dhaawacmay dagaalladii dhowaan Ururka Al Shabaab lagula galay Gobolka Hiiraan.

Rasaas xoogan ayaa ka socota gurigan dhismaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Degmada Cabdicasiis.

MOL kala soco wixii warkan ku soo kordha hadii Alla Idmo.