DEG DEG: Wasir Sabriye Oo Rw Khayre ku Eedeyay inuu Shirkado Shisheeye Dartood Baarlamaanka Ubur burinayo.

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukumada Federaalka Somaaliya  Abdi Mohamed Sabriye ayaa Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayr ku eedeyay bur burinta Baarlamaanka Soomaaliya.

Wasir Sabriye oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa facebook ayaa sheegay in Ra’iisul wasaae Khayre oo Baarlamaanka ubur burinayo dano shirkado shisheeye ay ka layhiin Dalka oo ay ka hor imaadeen xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliyed.

Dalkaan Xaalad dagaal in dib loogu celiyo ma haboona Ra’iisul Wasaaraha waxaan kula taliyay Baarlamaanka Somaaliyain wax ciidan ah aan la geyn oo xasilooonida la ilaaliyo’ayuu yiri Wasiir Sabriye.

Hadalka wasiirka Arimaha Gudaha Eng Sabriye ayaa  ku soo aadaya xili cawa ay xarunta Golaha Shacabka la wareegeyn Ciidamo la sheegay inuu soo diray Ra’iisul wasaare khayre kuwaasi oo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya.