(Deg Deg) Wasiirka warfaafinta oo iscasilay

Reading Time: < 1 minute

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle ayaa goor-dhow ku dhowaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayey xukuumadda ra’iisul Xasan Cali Kheyre.

Daahir Maxamuud Geelle ayaa is-casilaaddiisa sabab uga dhigay kala duwanaansho dhinaca fikirka ah oo u dhaxeysa isaga iyo madaxda dowladda Soomaaliya.

Xog ay heshay Muqdisho Online ayaa sheegeysa in Daahir uu bilihii dhowaa aad uga soo horjeeday siyaasadda ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.