[Deg Deg] Wasiirka Amniga oo shaqada ka joojiyay ciidanka NISA ee ka howlgala Garoonka Adan Cadde

Reading Time: < 1 minute

Warqad ka soo baxday Wasiirka Amniga Qaranka Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa waxa shaqada amni ee aay ka hayeen Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho shaqo ka joojin lagu sameeyay ciidanka NISA ee ka howlgala Garoonka.

Kaddib markii aay ka dhaceen gudaha Garoonka isku halayn amni oo kaliftay dayacaad amni oo ballaaran iyadoo masuuliyadda amniga ee garoonka kala qeybsan tahay ayna ku jirin hal gacan oo kaliya

Wasiirka  oo ka jawaabaya cabashooyin ay soo gudbiyeen hay’adaha Dowladda ee ka howl gala garoona, ayaa Wasiirka amray in dhammaan amniga garoonka aay si buuxda ula wareegaan Ciidanka Booliiska Garoonka Diyaaradaha laga bilaabo maalinta Axadda ee Janaayo 02, 2022. Waxaa sidoo kale la faray dhammaan saraakiisha NISA ee ka howlgala Garoonka in aay dib ugu laabtaan xarunta Taliska laga bilaabo maalinta Axadda.

Wasiirka ayaa sidoo kale amray in ciidanka NISA aanay la soo gali karin wax hub ah gudaha Garoonka marka laga reebo ciidanka Gaashaan iyo Waran.

Wasiirka ayaa amray kusimaha Agaasimaha NISA Yasin Fareey in uu si degdeg ah u fuliya amarka Wasiirka Amniga.

Halka Hoose ka akhriso Warqadda Wasiirka ka soo baxday