Wasiirka Qorsheynta Dowlad Goboleedka Galmudug Cabdinaasir Geelle ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkiisa.
Wasiirka Qorsheynta ayaa sheegay inuu is casilaadiisa u gudbiyey madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor isla markaasna uu dib faahfaahin uga bixin doono sababta uu isku casilay.
Cabdinaasir Geelle ayaa noqonaya Wasiirkii labaad ee iska casila Galmudug, waxaa horay sanadkii hore is casilay Wasiirkii Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi.
Halkaan hoose ka akhriso qoraalka is casilaada oo uu soo dhigay bartiisa Facebook
Bismilaah,
Waxaan maanta u gudbiyay Madaxweynaha Galmudug warqadii aan iskaga casilay xilkii Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ee Galmudug.