DEG DEG:-Wariyaasha Oo Looga Yeeray Hoyga Gudoomiye Jawaari

Reading Time: < 1 minute

oordhow ayaa waxaa Wariyayaasha looga yeeray Hoyga Gudoomiyaha Golaha Shacbaka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo la filayo in uu Saxaafada la hadlo.

Warar aan helnay ayaa waxa ay sheegayaan in uu ka hadli doono wadahadaladii soo socday labadii maalmood ee la soo dhaafay ee lagu doonayay in lagu xaliyo khilaafka Golaha Shacabka iyo kulankii uu Galabta la yeeshay Madaxweyne Farmaajo.

Maalinta Berito ah ayaa Xildhibaanada mooshinka ka gudbiyey Gudoomiyaha waxaa lagu wargeliyey in uu dhici doono kulanka Baarlamaanka,isla markaana laga doodi doono mooshinkii laga gudbiyey gudoomiyaha.

Todobadkii hore ayaa markii la iclaamiyey kulankii Golaha Shacabka ee fashilmay ayaa gudoomiye Jawaari uu hadlay waxa uu sheegay in kulan uu la qaatay madaxweyne Farmaajo uu ka dalbaday in uu is casilo basle uu diiday.

Wixii ka soo baxay Shirka Jaraa’id kala socda halkaan