(DEG DEG) War-murtiyeed 7 qoddob ah oo laga soo saaray shirkii Golaha Wadatashiga Qaran

Reading Time: 2 minutes

Golaha Wadatashiga Qaran ayaa war-murtiyeed kasoo saaray shir labadii maalmood ee u dambeeyay uga socda magaalada Muqdisho, kaasi oo looga hadlayay arrimaha doorashooyinka dalka.

War-murtiyeedka kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa waxaa lagu soo saaray 7 habraac oo doorashooyinka ah, kuwaasi oo qaarkood ay ka taagnayeen muran.

Golaha ayaa isla qaatay in Ergooyinka doorashada ee dooranaya Golaha Shacabka ay soo xulaan duubabka, nabadoonada ka diiwaan gashan xukuumadda iyo Bulshada rayidka, taasi oo ay hubinayaan guddiga doorashada heer Dowlad ee heer federaal.

Sidoo kale Ergada Somaliland ayaa waxaa soo xulaya duubabka nabadoonada iyo bulshada rayidka ee la isla ogol yahay, kuwaasi oo ay hubin doonaan guddiga maamulka doorashada Somaliland iyo xafiiska Rooble.

Golaha ayaa si waafaqsan heshiiskii 27-kii May waxay go’aamiyeen in la abuuro guddiga amniga doorashada oo ka kooban 10 xubnood oo ka kala ibaanaya Talisyada maamulka, Taliska booliska Soomaaliyeed iyo Ra’iisul wasaaraha.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!