[Deg Deg] Villa Somalia oo siisay $1 Milyan Guudlaawe & Magacyada Senatarada weyndoona xilkooda

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedgyo lagu kalsoon yahay ayaa MOL u xaqiijiyay in Villa Somalia aay siisay Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe lacag dhan $1 Milyan oo doollar taasoo looga bedeshay hubinta shan xubnood oo aay aqalka sare u wadato Villa Somalia.

Xubnaha la badalayo ee aqalka sare ayaa kala ah.

  1. Muuse Suudi Yalaxow (Abgaal – Daauud)
  2. Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle (Ujeejeen)
  3. Maxamed Amin (Abgaal Harti)
  4. Maxamed Cusmaan Dhagajuun (Xawaadle)
  5.  Fartuun Cabduqaadir Faarax. (Beesha Shanaad)

Villa Somalia ayaa qorsheyneysa in shanta Xildhibaan ee kor ku xusan aay ku bedelan doonta Xildhibaano daacad u ah Fahad Yasin Xaaji Daahir, oo isaga shaqsiyan raba in uu soo galo aqalka sare sida MOL aay ogaatay.

Waxaa magaalada Jowhar tan iyo xalay soo galayay gawaarida dagaalka oo garab siinaya Xildhibaanada Aqalka Sare ee la rabo in la dhaafsiiyo kuraastooda, taasoo haddii uu ka dhabeeyo Madaxweyne Cali Guudlaawe aay halis ugu jirto in magaalada Jowhar uu ka dhaco dagaal faraha looga gubtay.