[DEG DEG] Taliyihii qeybta Booliska Gobolka Banaadir oo qarax lagu dilay

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya Aaga degaanka Basra oo u dhaxeeya degmooyinka Balcad iyo Afgooye ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay qarax xoogan oo lala beegsaday Gaadiid ay wateen Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Qaraxa oo ahaa miinada Nooca dhulka lagu Aaso ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu qabsaday Farxaan & Ilaaladiisa xilli ay dhulka ku lugeynayeen taasoo aan la ogeyn sababta ay gaariga uga soo degeen. Waxaana miinada qaraxday ay dishay taliyihii qeybta booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole & Toddoba ka mid ah ilaaladiisa sida ay ogaatay MOL xilli ay u socdeen meel u dhow degaanka Basra.

Sidoo kale qaraxa ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday askar kale oo katirsan ciidamada dowladda, iyada oo hadda howlgallo Miino baarisah ay Ciidamada dowladda ka wadaan wadada xiriirisa degmada balcad iyo degaanka Basro.

laamaha Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin qaraxa lagu dilay taliyihii qeybta booliska ee Gobolka Banaadir Farxaan Maxamuud Qaroole, wuxuuna kusoo beegmay xilli saaka Ciidamada dowladda ay la wareegeen degaanka Basra.