(Deg Deg) Sidee Cabdirashid Janan ku gaaray Kismaayo?

Reading Time: < 1 minute

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay aya MOL u xaqiijiyay in Wasiirkii amniga Jubaland Cabdirashiid Xasan Janan uu goor dhow gaaray magaalada Kismaayo xarunta maamulka Jubaland.

Cabdirashiid Janan ayaa dekedda Kismaayo ku tegay doon, waxaana kadib loo gudbiyey madaxtooyada Jubaland oo uu hadda ku sugan yahay sida ay xogta noo xaqiijiyeen

Wararka aan helnay ayaa sheegay in Janan uu jidka kusoo jiray laba maalmood, isaga oo soo maray dhowr meel oo kala duwan, islamarkaana marar badan soo bedeshtay doonta uu ku socday, si aan loo fahmin.

Dowladda Soomaaliya ayaa 28-kii Janaayo shaaca ka qaaday in Janan uu ka baxsaday guri uu ku xirnaa oo ku yaalla magaalada Muqdisho.

Maamulka Jubaland weli war rasmi ah kama soo saarin tegintaanka Jana nee Kismaayo, balse waxaana hadda ay leeyihiin wada-tashiyo ku saabsan qaabka ay arrintan u shaacinayaan.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!