[Deg Deg] Shir ka dhacay Guriga Qoor Qoor oo lagu go’aamiyay in meel looga soo wada jeesto Farmaajo

Reading Time: 2 minutes

Shir u dhaxeeya Ra’iisul Wasaaraha xukumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, madaxweynayaasha Galmudug, HirShabeelle iyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo aay wehliyaan xubno ka tirsan midowga musharaxiinta ayaa ku soo dhammaaday is afgarad

Shirka oo bilaawday Afurkii kadib hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Kulankan oo ahaa martiqaad afur ah oo uu fidiyay Madaxweyne Qoorqoor ayaa looga hadlayaa xaalada siyaasadeed ee dalka, doorashooyinka iyo dhacdooyinkii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho

Tan iyo wixii ka dambeeyay go’aankii ay Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle ku diideen mudo kororsiga, isla markaana uu ku raacay Ra’iisul Wasaare Rooble waxaa qabowday xiisadii dagaal ee ka jirtay magaalada Muqdisho.

Waxaa Muqdisho ka bilowday dadaallo nabadeed oo xal loogu raadinayo khilaafkan gaaray gacan ka hadalka, hase yeeshee waxaa weli difaacyo ku kala jira ciidamada kala taabcsan mucaaradka iyo madaxda waqtigu ka dhamaaday ee dowladda federaalka.

Qoraal uu kulankan ka baahiyey xafiiska Rooble ayaa lagu yiri, “Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la leh madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo xubno ka tirsan midowga musharaxiinta, si loo sii xoojiyo xasilloonida caasimadda ka dib qalalaasihii dhawaan dhacay.”

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa MOL u sheegay in shirka si wanaagsan la isugu afgartay, laguna heshiiyay in hannaanka Doorashada lagala shaqeeyo RW Xil Gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble, waxaana sidoo kale laga dhawaajiyay in meel looga soo wadajeesto Madaxweynaha Muddo Xileedkiisa dhammaaday si aanu markale wakhti uga lumin ummadda Soomaaliyeed oo baahi u qabta in uu dalka yeesho hoggaan afarta sano ee soo socota.