DEG DEG: Shabaab oo Weerarkii Ugu Xooganaa ku qaaday Gudaha Kenya, Askar la laayay!!

Reading Time: < 1 minute

Saraakiil iyo ciidamo boolis ah ayaa ku dhintay weerar ay kooxda Shabaab ku qaadeen labo xarun ciidan oo ku yaal deegaanka  Fino Ward oo katirsan degmada  Lafey ee Koontiga Mandera.

 

Ku xigeenka taliyaha ciidamada deegaanka Lafey  Eric Oronyi ayaa sheegay in bartilmaameedka uu ahaa xarunta booliska iyo goobaha kale ee ay ciidamada ku sugan yihiin.

Wararka ayaa sheegaya in kooxda weerarka geysatay ay markii hore rasaas la dhaceen xarunta Shirkadda Isgaarsiinta  Safaricom  si ay xariirka magaalada u joojiyaan kadibna waxaa ay weeraraeen xarumaha ciidamda.

“Waxaa uu weerarku dhacay qayaastii 1-dii habeenimo, laakiin waxaa go’ay dhamaan xariirkii, wax intaas ka badana ma sheegi karo,” taliye ku xigeenka ayaa sidaas usheegay wargeyska  Nation ee Nairobi kasoo baxa.

 

“Ilaa haatan warbixin cad kama hayno qaabkii ay wax udhaceen”ayuu hadalkiisa ku daray sargaalka.

Laakiin Sargaal kale ayaa sheegaya in dhimashada weerarkii xalay uu gaarayo ilaa shan ciidamada booliska ah, waxaana suuragal ah in qasaaruhu intaas ka bato.

Cabsida kale ee jirta ayaa ah in kooxaha weerarka geystay ay waxyaabaha qarxa ku xireen xarumihii ay weerareen.

“Waxaan ilaa haatan aruurinay dhimashada afar askari iyo sargaal waaxda keydka ahaa,” ayuu yiri sargaalka hadlay.

Ciidamo dheeraad ah ayay Kenya udirtay halka u weerarkaas ka dhacay ilaa haatana xog lagama hayo hadii ay Shabaab gacanta ku hayaan deegaankaas.

Kooxda Shabaab ayaa marar badan weeraro qasaaro geystay ka sameeyay gudaha Kenya gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari.