[DEG DEG] Shabaab oo weeraray deegaanka Cadakibir

Reading Time: < 1 minute

Deegaanka Cadakibir oo qiyaastii Cadaado dhanka bari kaga beegan 60KM waxaa ka socda dagaal udhaxeya Ciidamada Galmudug iyo kuwa Al-shabaab waxaana la isku adeegsanayaa hubka nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ay Al-Shabaab weerar kusoo qaadeen deegaanka.

Deegaanka Cadakibir waxaa horay u joogay ciidamo deegaanka iyo kuwa maamulka Galmudug.

Sidoo kale Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday Jimcihii magaalada Baxdo waxaana ka hor tagay shacabkii dagan halkaas.