[Deg Deg] Shabaab oo weerar qorsheysan ku soo qaaday duleedka Balcad

Reading Time: < 1 minute

Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Dowladda iyo Dagaalemayaasha Al-shabaab ayaa ka socda deegaanka Muki-dheere oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ay ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Muki-dheere.

MOL oo la hadashay dadka deegaanka ayaa u xaqiijiyey inay maqlayaan hub culus oo ay is dhaafsanayaan labada dhinac.

Dagaalka ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jiro dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dad Shacab ah, inkastoo aan weli tirada saxda ah la ogaan.

Deegaanka Muki-dheere ayaa waxaa Talaadadii la wareegay ciidamada Dowladda, ka dib dagaal saacado socday oo ay la galeen dagaalameyaasha Al-shabaab oo hore ugu sugnaa halkaas.

Dagaalka ayaa weli socda, waxaana qeybo kamid ah halka lagu dagaalamayo gudaha u galay maleeshiyada Al-Shabaab.