(Deg Deg) Senator. Muuse Suudi Yalaxow oo markale difaacday kursigii Aqalka Sare.

Reading Time: < 1 minute

Senator Muuse Suudi Yalaxow ayaa ku guuleystay tartanka senatoornimada Aqalka sare ee kursiga uu difaacanayay.

Waxaa Muuse Suudi kursiga kula tartamay Musharixiinta kala ah; C/llaahi Sheikh Xasan, Axmed Caddow Daaci iyo Dr. Xasan Caddaay.

Codadkii la tiriyey waxaa uu ku guuleystay Muuse Suudi oo helay 55 cod.

Axmed Daaci ayaa helay 43 cod.

Waxaa tartanka ka haray C/llaahi Sheekh Xasan. Waxaana si toos ah loogu gudbay wareega 3aad oo ay ku tartami doonaan Muuse Suudi iyo Axmed Daaci.