DEG DEG: RW Kheyre oo caawa ku suuxay Madaxtooyadda Dhexdeeda

Reading Time: < 1 minute

Warar deg deg ah oo hadda soo gaaray xarunta warsidaha Muqadishu Online ayaa sheegayo in WR Xassan Cali Kheyre uu caawa 40 daqiiqo ka hor uu istaaga ka dhacay. Suuxdinta RW Kheyre ayaa dhacday markii isaga iyo Madxaweyne Farmaajo ay mudo laba saac ah kulan xasaasi ah oo aad u kulul ay ku lahaayeen Xarunta Villa Soomaaliya.

Goob joogayaal ayaa u xaqiijiyay Muqadishu Online in marka uu dhulka ku sii dhacayay RW Kheyre uu isaga oo qaylinayo codsaday in wax mac afka loo galiyo.

Mudo yar markii lagu fariisiyay kursigiisii ayaa waxaa afka si dhaqso ah loogu galiyay sokor iyo wax macaan. Markii uu ka soo toosay garbaha ayaa laga qabtay waxaana la saaray gaariiisa oo uu ku aaday gurigiisa. Horaantii bishaan ayaa ay ahayd markii Muqadishu Online soo warisay in RW Kheyre uu qabo kaadi sokoroowga nooca xun ee loo yaqaan “TYPE A” oo maalin kastaa uu ku qasban yahay in uu isku duro cirbado labadii saacba mar.