(Deg Deg) RW Kheyre oo doonaayo in uu bixiyo amar lagu joojinayo diyaaradaha keena Qaadka si laab la kac ah

RW Xasan Cali Kheyre oo ka jawaabaya falkii aay dowladda Kenya xiriirka ugu jartay dowladda Soomaaliya ayaa caawa ku wargaliyay MW farmaajo in uu doonaayo uu  amar ku bixiyay in gebi ahaanba la joojiyo diyaaradaha Qaadka ka keena dalka Kenya laga bilaabo berri oo taariikda tahay Febraayo 17, 2019. Wali lama oga in Farmaajo ku raacay goaa’nkaas iyo in kale.

Arrintaan oo ah laablakaca iyo fudeydka aan siyaasad dugsaneyn, qaadka waan u baahannahay in la joojiyo laakiin fudeykan aan caqliga ku dhisneyn maaha mid aan guul ku gaareyno.

Dowladda Soomaaliya ayaa filan waa ku noqotay kaddib markii dowladda Kenya xiriirka dibloomisiyadda aay u jartay dowladda Soomaaliya iyadoo sabab ugu dhigtay in Dowladda Soomaaliya aay xaraashtay ceelasha shidaalka ee Soomaaliya iyo Kenya aay dacwada ugu socotay maxkamadda adduunka.

Waxaan ka shaki ku jirin in jawaab adag ay ka bixin doonto Dowladda Kena hadii dowlada Soomaaliya  amarto joojinta qaadka, kaasoo dhaqaale badan ka soo gala ganacsatada qaadka ee Kenya iyo dowladda Kenya.

RW Kheyre ayaa tan iyo markii loo magacaabay Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxa uu ku caan baxay in uu qaato go’aanno siyaasadeed oo aan laga fiirsan. Waa markii afaraad uu RW Kheyre dowladda Soomaaliya geliyo qalaanqal siyaasadeed aanay dowladda Soomaaliye maanta aanay awood u lahayn.

 

Xayeeysiin