Reading Time: < 1 minute

Sida MOL ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia, waxaa heshiis is afgraaf ah laga gaaray ilaa seddex qodob oo la isku mari waayay kuwaa oo kala ah.

1. Dawlad Goboleed walba laba “2” Goobood oo Deegaan Doorasho ah ayaa laga qabanayaa doorashada.

2. Ergada soo dooraneysa xildhibaanada waxay noqonayaan 101 ergo, oo aay soo xulayaan 135 Oday dhaqameed

3. In ay Soo Qoraan Ergooyinka Odayaasha Dhaqanka 135 ah ayagoo ay waajib tahay in ay La Tashadaan Nabadoonada Dhiig baxa Ama Diyada Qabbiil waliba Ka masuulka ah.

Waxaa si wada jira meesha looga Saaray Qodobkii ahaa Doorkii Xisbiyada Qodobkaas Xisbiyada Gabigiisaba waa lalaalay.

Ugu Dambeyn ilaa hadda waxaa la isku mari la’yahay Qodobkii ahaa Yaa Maamulaya Doorashada, weli Madaxda DG oo dhan waxay ku adkeysanayaan Qodobada kala ah In aanay Doorashadaan Maamulin, Maamuli karin Amaano iyo Cadaalad midna aysan lahayn Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaran ay Hogaamiso Xaliima Yareey, taas bedelkeedna la sameeyo Guddi KMG ah oo heer federaal iyo heer Dowlad Goboleed ay ayaga Maamula islana wada Shaqeeyaan Arinta Hirgelinta Heshiiska Habka Doorashada, Hadda waxay u muuqataa Madaxda Dowlad Goboleed yada in ay Kawada mideesan yihiin Dhamaantooda in laga Takhaluso Gudiga Xaliima Yareey ay Hoggaamiso.

Qodobkaan Maamulka Doorashada ayaa Noqday mid Waqti badan Qaatay la arki doonee halka uu sal Dhigto.

Waxaa muuqata in la isku soo dhawaaday Heshiiskane uu Gabagabo uu yahay.