(Deg Deg) Qaraxyo xooggan oo ka dhacay Muqdisho iyo shabab oo la wareegtay saldhig Booliis

Reading Time: < 1 minute

Qaraxyo xooggan oo dhowr ah ayaa goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, waxaana xigay weerar xooggan ayada oo la maqlayo dhawaqa rasaas culus oo dhaceysa.

Qaraxyada ayaa ka dhacay dhanka degmada Kaxda iyo qaar kale oo ka dhacay degmada Hodan, Waxaa markii hore dhacay qarax kadibna waxaa xigay rasaas iyo weerar culus, ayada oo dhowr daqiiqo kadibna uu dhacay qarax labaad oo laga maqlay Muqdisho oo dhan.

Wararka nasoo gaaraya ayaa sheegaya in qaraxa iyo weerarkaba lagu qaaday xarunta degamda Kaxda, balse weli ma jiraan faah-faahino intaas dheer. Warar kale ayaa ayagana sheegaya qaraxyo kale aay ka dhaceen degmada Hodan walow aan la xaqiijin halka aay ka dhaceen.

Weerarka iyo qaraxyada ayaa waxaa xigay qaraxyo dhowr ah oo kooban, waxaana aad u qasan xaaladda, ayada oo ay adag tahay in xog buuxda laga helo.

Ilo wareedyo la hadlay MOL ayaa noo sheegay in kooxda Shabaab aay la wareegeen Saldhigga Degmada Kaxda iyo xarunta Degmada

Iska hor-imaadka ayaa weli socda, waxaana dadka deegaanka ay sheegayaan inuu socdo dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kooxda weerarka soo qaaday oo loo badinayo inay tahay Al-Shabaab.