(DEG DEG) Qaraxyo weyn oo ka dhacay Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Warar kala duwan ayaa ka soo baxa qarax weyn oo hadda ka dhacay magaalada Muqdisho.

Qaraxaan oo aad u cuslaa ayaa ka dhacay agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.

Dad ka ag dhow aaggaas aya MOL u sheegay inay maqlayaan xabado si darandoori ah u dhacaya.

Illaa hadda war sugan lagama helin goobta uu qaraxaasi ka dhacay iyo rasaasta laga maqlayo agagaarka madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.