Sida la soo gaarsiyay MOL qarax aad u xooggan ayaa goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo qaraxa.
Sida wararku sheegayaan qaraxa ayaa si weyn u gilgilay magaalada oo dhan, waxaana uu ka dhacay xarunta degmada Wardhiigley.
Dadka deegaanka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa mid aad u xooggan oo dhulka la gariiray, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Xarunta degmada Wardhiigley ayaa ku dhow Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo ammaankeeda aad loo adkeeyay.
La soco wixii warar ee ku soo kordha.