(Deg Deg) Qarax xooggan oo goor dhow ka dhacay magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

War hadda naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu qarax ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Xamar Jajab.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad halkaas ku taalla, oo lagu magacaabo Luul Yemeni kana mid ah Maqaayadaha ugu caansan ee laga cunteeyo, wuxuuna ahaa qarax weyn oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

Weli ma aanan helin faahfaahin buuxda, waxaana goobta ku sii socda wariyaheenna Muqdisho oo idiin soo gudbin doona xaaladdii ugu danbeysay iyo qasaaraha ka dhashay qaraxa.

Naga filo faah-faahin iyo wixii kusoo kordha dhowaan Insha Allah