Wararka anu ka heleyno Magaalada Muqdisho aya shegaya in goor dhaweyd uu Qarax xoogan ka dhacay isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.
Qaraxan ayaa waxaa lagu xiray ruux watay gaarigiisa, kaasi oo dhaawac aad u culus uu ka soo gaaray, waxaana loo qaaday mid ka mid ah isbitaalada Muqdisho.
Hay’adaha ammaanka Dowladda Federaalka ayaa waxa ay sheegeen qaraxan nuuciisa inuu ahaa mid loo yaqaano dhejiska, hadana ay wadaan baaritaano.
Gaariga qarxay ayaa gabi ahaan gubtay, iyada oo markii dambe ay damiyeen dadbkii gaariga ka kacay shacab halkaasi ku soo xoomay, Ciidamo Dowladda ka tirsan ayaa goobta ku sugan.