Deg Deg; qarax khasaare kala duwan dhaliyay oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Arbacow ee Duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi Goordhow qarax lagula eegtay Ciidamo ka tirsan AMISOM .

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa nooca Miinada dhulka lagu aaso,isla markaana lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo marayay deegaanka Arbacow oo ku dhow Ceelash Bisha ee Duleedka Muqdisho.

Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa kadib AMISOM ay fureen rasaas xoogan,taasi oo weli aan la ogen Khasaaraha ay geystay,iyadoo xiliga uu qaraxa dhacayay ay dad shacab ah halkaasi ay ku sugnaayeen.

Sidoo waxaa lagu soo waramayaa in uu hakad ku jiro isku socdka dadka iyo gaadiidka,isla markaana ay xiran tahay goobtaas.

Ilaa iyo hada si rasmi ah looga khasaaraha uu geystay qaraxii lala eegtay Kolonyada ay la socdeen Ciidamada AMISOM oo socdaal ku marayay deegaanka Arbacow.