(Deg Deg) Qarax khasaara ba’an geystay oo lala eegtay ciidanka AMISOM

Reading Time: < 1 minute

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo ciidamo ka tirsan kuwa amisom lagu eegtay deegaano hooyimaada degmada marka ee xarunta gobolka shabeelaha hoose

saacadihii lasoo dhaafay ciidamada amisom gaar ahaana ciidanka yugaandha ayaa waxa la sheegay in qarax xoogan lagu beegsaday deegaanka shalaanbood ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha hoose.

waxaana wararku ay sheegayaan in weerarkaasi qaraxa ahaa uu ka dhashay khasaara kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac leh

Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah ciidamada nabad ilaalinta ujooga soomaaliya ee AMISOM ayaa waxa la sheegay in kolanyo ay las ocdeen in qaraxaan lala eegtay xili mayarayeen deegaanka shalaanbood ee hoostaga degmada marka ee gobolka shabeelaha hoose

Al-shabaab ayaa sheegtay Masuuliyada weerarka qarax ah ee ciidamada amisom lagu beegsaday deegaan ka tirsan gobolka shabeelaha hoose

wararka al-shabaab ay barahooda interneetka ku qoran waxa ay ku sheegteen in weeraro qaraxyo ah ay la eegteen ciidamo ka tirsan kuwa amisom oo socda ku marayay deegaanka shalaanbood

waxaana al-shabaab ay sheegeen in kolanyada ciidamada amisom ay laba qarax oo la beegsadeen islamarkaasna ay qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen ciidanka amisom

Khasaaraha ka dhashay weerarkaan qaraxyada ah al-shabaab waxa ay ku sheegeen in ugu yaraan ilaa iyo 4 Askari ay ku dhinteen qaraxyada halka 3 kale ay dhaawacmeen

sidookale war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu sheegay in qaraxyada lagu gubay gaari booyad ah oo ay wateen ciidamada amisom ee lagu weeraray deegaanka Shalaambood ee dhaca duleedka magaalada Marka gobolka hoose.

majirto wax war ah kasoo baxay taliska ciidamada Midowga Afrika ee amisom oo ku saabsan qaraxyadan la sheegay in askarta looga dilay ciidamada amisom ee ka dhacay deegaanka shalaanbood ee gobolka Sh/hoose.