Deg Deg: Qarax Ismiidamin Ah oo Goor Dhaw Ka Dhacay Duleedka Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imanaya magaalada muqdisho aya shegaya in Qarax Gaari oo Ismiidaamin ahaa uu goorhdaweyd ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Qaraxa aya ka dhacay Bar Kontorool oo ku taala degaanka Siinka-dheer ee duleedka muqdisho.

Qaraxa aya la shegay in uu imaday ka dib marki Gaariga qarxay lagu joojiyay Bar koontarool oo ciidanka oo Ciidanka Nabad Suggida ay ku leeyihiin degaanka Siinkadheer iyadona uu socday baaritaan lagu sameynayay gaarigaasi la joojiyay iyado ruuxi waday garigasi uu isku qarxiyay koontorolkasi.

Qiiq iyo uuro ayaa cirka isku shareertay markii uu qarxay gaarigaasi, iyadoo meelo ka mid ah Muqdisho laga arkayay uurada gaariga.

Qaraxan oo si weyn looga maqlay agagaarka uu ka dhacay ayaa la heynin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.