Gaari nooca raaxada ah oo ay saarnaayeen waxyaabaha qarxa ayaa ku qarxay duleedka Magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel ku dhaw deegaanka Siinka dheer.
Gaarigaan ayaa ku qarxay wado qardo jeex oo uu doonaayay inuu ka soo galo Magaalada Muqdisho, isaga oo rabay inuusan soo marin Koontaroolka Siinka dheer ee gaadiidka xamar soo gala lagu baaro.
Saraakiil ka tirsan Hay’adda Nabad Suggida Somaliya ayaa sheegay gaarigaan dadkii watay kaliya inay ku dhaawacmeen, durbadiina Hay’addaha ammaanka ay halkaasi gaareen.
Ciidamada Nabad Suggida ee ku sugan deegaanka Siinka dheer ayaa durbadiiba ku baxay goobta, waxaana hadda halkaasi loo waday Bahda Saxaafadda.
Koontaroolka Siinka dheer ee gaadiidka ay ka soo galaan dhanka Koonfureed ee Magaalada Muqdisho, ayaa aad loo adkeeyay wixii ka dambeeyay markii Muqdisho qaraxyada ay ku bateen.
Gaarigaan ku qarxay duleedka Muqdisho ee doonaayay inuu soo galo Magaalada, ayaanan la ogeyn rasmi ahaan meesha lagu soo diyaariyay iyo meesha uu bartilmaameedsanaayay intaba.